Xildhibaanadda Barlamaanka HirShabeele ee xalay la dhaariyey ayaa la filayaa inay maanta Fadhigooda Koowaad ku yeeshaan magaalladda Jowhar.
Ilo ku dhowdhow Fadhigaas ayaa u sheegay Radio Dalsan inay Xildhibanadda maanta u dooran doonaan qofka ugu da’da weyn inuu noqdo Guddoomiye KMG, kaasi oo xilka hayn doono tan iyo inta laga soo dooranayo Guddoomiyaha cusub iyo Ku-xigeenadiisa ee Barlamaanka HirShabeele.
Fiidnimaddii xalay ayaa la dhaariyey 73 Xildhibaan oo ka mid ah Xildhibaanadda Barlamaankaasi oo ay ku mideysan yihiin xubno ka soo kala jeeda Beelaha wada deggan Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe.
©Radio Dalsan