Ilhaan Cumar oo ah Xildhibaanadii ugu horreysay ee Somali Maraykan ee ka mid noqda Aqalka Wakiiladda ee Minnesota ayaa ku casuuntay Madaxweyne Trump inay hal maalin ah iyada la qaato, si ay uga wada hadlaan Qaddiyadaha taagan.
Hadalkaasi ayey sheegtay iyadoo ay Tobaneeyo ka tirsan Xildhibaanadda Gobalka Minnesota, Saraakiisha magaalladda, Garyaqaano iyo Muwaadiniin shalay dibedbax ka dhigeen Qolka Shirarka ee Dhismaha Capitol, oo ay kaga soo horjeedeen tallaabadda Donald Trump ee dhinaca Socdaalka.
Senator Ilhaan Cumar waxay kaloo sheegtay in Maraykanka oo gacan bir ah lagu qabto ka dhigayso dalkaasi mid cadaawadeed iyo inuu noqdo mid ka mid ah Hoggaanka keli-talismimo.
Waxay intaasi ku dartay inay taasi horseedi karto mid ka jeesta qiyamka ahayd in la garab istaago.
Sidoo kale, Soomaalida ku nool Maraykanka waxay ka walaacsan yihiin Tallaabadda uu Madaxweyne Trump ku sheegay in si KMG loogu hakinayo Qaxootiga cusub ee dib-u-dejinta ka helay Maraykanka.
Madaxweynaha cusub ee Maraykanka ayaa sheegay inuu muddo 3 bilood hakin doono Qaxootiga imaanaya Maraykanka, si ay Dowladiisa u darasto heerka uu marayo Heerka ay wax marayaan iyo haddii loo baahan yahay hubin dheeraad ah.
Amarka Donald Trump waxa uu horseedi doonaa in 50,000 oo Qaxooti laga jaro Qaxotiga uu Maraykanka qaabilayo sannadkan.
Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Barack Obama waxa uu dejiyey qorshe 110,000 oo Qaxooti ah lagu dejinayo Maraykanka tan iyo bisha September ee sannadkan.
Sannadkii hore, Maraykanka waxay qaabileen 8,500 Qaxooti ah.
©Radio Dalsan