Shiikh Shariif Sheekh Axmed Mdaxweynihii hore ee Dowladii KMG iminkana ah Musharax u taagan xilka Madaxtinimada ayaa maanta noqday Musharixii koowaad ee la diiwaan galiyo.
Gudiga qaban qaabada doorashada ayaa iclaamiyay in maanta ay bilaabatay diiwaan galinta Musharixiinta waxaana xafiiskooda ay ku qaabileyn Musharixii koowaad.
Xubno ku dhaw Shariif Sheekh axmed ayaa Redio Dalsan u xaqiijiyay in Sheef Shariif Maanta isdiiwaan galiyay oo noqday Mushirii koowaad oo is diiwaan galiyo.
Dhinaca kale Sheekh Shariif waxaa uu maanta kormeer ku tagay Hotel Dayax oo shalay weerar khasaaro badan geestay uu ka dhacay.
Sheikh shariif ayaa gudaha u galay Hotelka isga la kulmay maamulka Hotelka.
Dhinace Kale Musharax Madaxweyne Sheekh Shariif waxa uu Cisbitaalka Madiina ku booqday dhibanayaashii ku waxyeeloobay Weerarkii Hotel Dayax isaga oo warbixin la xiriirta xaalada caafimaad ee bukaanada ka dhageystay Maamulka cisbitaalkaasi.