Hoggaamiyayaasha magaalladda Garissa ee W/bari ee Kenya waxay codsadeen in la soo xiro Xildhibaan aysan magacaabin, kaasi oo ay ku eedeeyeen inuu ka dambeeyey 3 qof oo maalintii Jimcihii lagu dilay Tuulladda Ceel-dheere oo ku taalla xuduudka Garissa iyo magaalladda Isiyoola.
Baaqaasi waxaa si wadajir ah u soo jeediyey Senator Yuusuf Xaaji oo laga soo doorto Garissa, Xildhibaan C/kariim Cismaan oo laga soo doorto Faafi, Xildhibaanad Safiya C/nuur oo laga soo doorto Degmadda Ijaara iyo Guddoomiyaha Mandera, Cali Qorane waxay ka codsadeen Hay’addaha Ammaanka Kenya in la soo xiro Xildhibaan ay ku eedeeyeen inuu ka dambeeyey dilal iyo dhaawac loo geystay rag Geel-jirayaal ahaa.
Senator Yuusuf Xaaji waxa uu sheegay inaan la oggolaan Karin in Maleeshiyo hubeysan ay dad aan waxba galabsanin, u dilaan arrimo lagu xalin karay wada-xaajoodka.
“Ma oggolaan karo inay dadka Sharciga ku qaataan gacmahooda, waana daba-geli doonaan Kiiskan ilaa laga soo xirayo kuwii ka dambeeyey arrintaasi” ayuu yiri Senator Yuusuf Xaaji oo mar Wasiirka Difaaca ka soo noqday dalka Kenya.
Dhinaca kale, Marxuumin lagu dilay weerarkii Jimcihii ka dhacay Tuulladda Ceel-dheer ee duleedka Garissa waxaa lagu kala magacaabi jirey . Buraale Deeqow, Muxumad Faraax iyo Cabdi Deerow, kuwaasi oo Geel-jirayaal ah.
Sidoo kale, Weerarkaasi waxaa lagu dhaawacay 3 kale, oo ay dhaawacyo culus soo gaareen.