Dr. Zakariya Xaaji Maxamuud Cabdi oo ka mid ah Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ee booqashada ku tegay dalka Qatar ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wargeyska ASHARAQ ee ka soo baxa magaalladda Dooxa ayaa sheegay inay Dowladda Imaaraadka Carabta ku xad-gudubtay Hawlihii DFS, isla markaana ay Heshiisyo la galeen dhinacyo kale.
Xidlhibaan Zakariya Xaaji Maxamuud Cabdi oo mar Wasiirkii Warfaafinta ka ahaa Dowladdii KMG ee Madaxweyne C/qaasim Salaad Xasan, waxa uu tilmamaay inay Dowladda Imaaraadka ka hor-joogsadeen qorshe ay ku doonayeen inay iyaga ku maaamulaan Ciiddamadda Somalia iyo Xeryahooda.
Khilaafka Siyaasadeed ee DFS iyo Imaaraadka Carabta soo kala dhex galay ayaa qeyb ka ah Khilaafka Dowladaha Khaliijka, iyadoo ay Dowladda Imaaraadka Galaangal aysan DFS ku qancin ka wadeen gudaha Somalia, isla markaana ay Maamulka Somaliland la saxiixdeen Heshiis ay Saldhig Milliteri kaga dhisanayaan magaalladda Berbera ee W/galbeed ee Somalia.
Dhinaca kale, Xildhibaan Zakariya Xaaji Cabdi waxa uu ka hadlay Xiriirka DFS iyo Dowladda Qatar, wuxuuna xusay inuu yahay mid aad u xooggan.
Waxa uu carrabka ku dhuftay inuu Xiriirka labada Waddan yahay mid Taariikhi ah, isla markaana uusan jirin Khilaaf caqabad ku ah Xiriirkaasi.
Dhinaca kale, Dowladda Qatar ayaa kordhisay Taageeradda Maaliyadeed iyo Samafalka ee ay ugu deeaaan DFS iyo Dadweynaha Soomaaliyeed.