Ugu yaraan 24 qof oo Falastiiniyiin ayaa lagu dilay Weerar ay Diyaaradaha Dagaalka Israel ka geysteen dhulka go’doonsan ee Marinka Qasa, sida laga soo xigtay Wasaaradda Caafimaadka ee Maamulka Falstiin.
Ciiddanka Israel ayaa waxaa ay weli saakayto oo Talaado ah sii wadaan Duqeymaha ay ku beegsanayaan Bar-tilmaameedyo ku yaalla magaalladda Khaan Yoonis, Xerada Qaxootiga ee Bureyj iyo Deegaanka Al-zaytuun.
Ugu yaraan 3 qof oo Rayid ah aya waberigii saakayto lagu dilay Duqeyn ay Diyaaradaha Dagaalka Israel ku beegsadeen dhismo ku yaalla Xerada Qaxootiga ee Al-shaadi
Afhayeenka Ciiddanka Difaaca Madaniga ee magaalladda Qasa,Racid Al-Daxshan waxa uu u sheegy Telefishinka Aljazeera in saddex qof ee la dilay ay ku jiraan Haween iyo Nin baahiyayaalka gaarka qaba.
Wasaaradda Caafimaadka Qasa waxay sheegtay in tirade dadka ku dhinty Duqeymaha Israel ay sare u kacday oo ay gaareen ilaa 24 qof oo 9 ka mid ah carruur ahaayeen.
Ugu yaraan 106 kale ayaana ilaa iyo haatan ku dhaawacmay duqeymahaasi.