Guddoomiye Madaale oo Maanta Guddoomiyeyaal cusub u magacaabay Saddex Degmo

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa xilalkii ka qaaday Guddoomiyeyaashii degmooyinka Hodan, Boondheere iyo Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Wareegto kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Yuusuf Madaale ayaa waxaa xilka Guddoomiyaha degmada Boondheere loogu magacaabay Maxamed Cabdullaahi Cumar (Maxamed Deeyoow), waxa uuna bedelayaa Guddoomiyihii hore Seynab Yuusuf Wehliye.

Guddoomiyaha cusub ee degmada Waaberi ayaa waxaa loo magacaabay Maxamed Sayid Cali, kaasi oo bedelaya Guddoomiyihii hore ee degmadaas Sugaal Sugaal Cali Ayaanle, halka Guddoomiyaha degmada Hodan loo magacaabay Cali Axmed Faarax.

Wareegtooyinka xilka qaadista iyo magacaabista ee kasoo baxday Xafiiska duqa Muqdisho waxaa Warbaahinta u Akhriyey Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar Saalax Xasan Cumar (Saalax Dheere).

About Webmaster

View all posts by Webmaster