Allaha u Naxariistee waxaa dalka India ku geeriyooday Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo lagu Magacaabi jiray Bootaan Ciise Caalin.
Xildhibaanka ayaa Maalmihii la soo dhaafay ku xanuunsanayay Isbitaal ku yaalla gudaha dalkaasi kadib markii howlo Caafimaad darted loo geeyay sida ay xaqiijiyeen Eheladiisa.
Xildhibaanka Allaha u Naxariistee ayaa horay waxa uu uga mid noqday Hoggaamiyaashii dalka ee dagaalka la galay Midowgii Maxkamadaha Islaamiga,waxaana ugu dambeyn haatan uu ka mid ahaa Xildhibaanada baarlamaanka ee laga soo doortay deegaanada Galmudug.