Saalax Nuux Ismaaciil “Saalax Badbadao” oo horey isaga casilay Xilkii Xildhibaanimo ee Barlamaankii Dowladii KMG ayaa la shaaciyey inuu ka mid ahaa Raggii ka tirsanaa Alshabaab ee shalay isku qarxiyey Xarunta AMISOM ee agagaarka Garoonka Diyaaradaha Calaamiga Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.
Saalax Badbaado oo ka soo jeeda Gobalka Sanaag waxa uu xubin ka ahaa Barlamaankii Dowladdii KMG, wuxuuna sannadkii 2010-kii iska casilay Xildhibaanimadda, isagoo ku biiray Xarakadda Alshabaab.
Warbaahinta taageersan Alshabaab, gaar ahaan Idaacadda Andulus ayaa xaqiijisay inuu Ex-Xildhibaan Saalax Badbaado kaxeynayey mid ka mid ah gaadiidkii shalay loo adeegsaday qaraxyaddii lala beegsaday mid ka mid ah Albaabadda laga galo Xarunta AMISOM ee u dhow Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.
Saalax Badbaado ayaa la sheegay inuu kaxeynayey Gaari Xamuul oo noociisu ahaa DYNA, wuxuuna la abaaray Ilaalo ku sugnayd Albaaabka weyn ee la galo Xarunta AMISOM.
Ugu yaraan 13 qof oo ay ku jireen Askari ka tirsan Hawlgalka AMISOM iyo dhowr Ilaalo oo QM ayaa lagu dilay Is-qarxintaas.
©Radio Dalsan