Wakiilladda Gaarka ee QM iyo Midowga Afrika u jooga Somalia, waxay si kulul u cambaareeyeen Qaraxyadii Mataanaha ee loo adeegsaday gawaari miineysan ee shalay lala beegsaday Xarunta Hawlgalka AMISOM ku leeyihiin Muqdisho.
Ugu yaraan 13 qof ayaa ku geeriyootay Qaraxyadaasi, halka ay 5 kalena ku dhaawacmeen.
War Saxaafadeed uu soo saaray Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ee Arrimaha Somalia, Michael Keating ayaa tilmaamay inuu falkaasi tusaale cusub u yahay Isku-dayga ay Alshabaab ku doonayaan inay ku carqaladeeyaan Horumarka Siyaasadda ee haatan socda.
Waxa uu intaasi ku daray inay QM iyo Dowladda Somalia ka hakin doonin qabashadda Doorashooyinka dhici doona dabayaaqadda sannadkan.
War Saxaafadeedka waxaa kale oo uu ku xusay inay Alshabaab marar badan qaadeen Weeraro ay ku naf waayeen ugu yaraan Tobaneeyo qof oo Soomaali ah.
Michael Keating waxa uu xaqiijiyey inaysan jirin Shaqaale ka tirsan QM oo ka mid ahaa dadkii shalay ku geeriyoodeen Qaraxyadaasi.
Sidoo kale, Ergayga Gaarka ee Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Francisco Madeira ayaa cambaareeyey qaraxyaddii shalay, oo uu ku tilmaamay in lagu waxyeeleeyey Nolosha caadiga ee dadka Soomaalida.
Waxa uu sheegay inay socdaan baaritaanka tirada dadka ku waxyeeloobay qaraxyadaasi iyo burburka kale, wuxuuna ku baaqay in la joojiyo weerarada noocaasi ah.
Dhinaca kale, Dowladda Maraykanka ayaa cambaaraysay weeraradaasi, waxayna sheegtay inay Dowladda Somalia ka taageeri doonaan sidii loo wiiqi lahaa Alshabaab.
Afhayeenka Golaha Ammaanka Qaranka Maraykanka, Ned Price ayaa soo saaray War Saxaafadeed lagu muujiyey inay Dowladda Maraykanka garab taagan tahay Dowladda Somalia iyo qeybaha kale ee Caalamka ee dagaalka kula jirta Alshabaab.
Dowladaha Britain iyo Turkiga ayaa iyagana cambaareeyey weerarkaasi.
©Radio Dalsan