Ex-Xildhibaan Saalax Nuux Ismaaciil “Saalax Badbaado” ayaa ka mid ahaa Shaqsiyadakii Alshabaab ee shalay isku qarxisay Xarunta AMISOM ee u dhow Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.
Warbaahinta Alshabaab ayaa shaacisay Taariikh Nololeedka Saalax Badbaado oo Alshabaab ku biiray sannadkii 2010-kii.
Waxa uu sannadkii 1960-kii ku dhashay Degmadda Gar-adag ee Gobalka Sanaag, wuxuuna Waxbarashadiisa ilasa Dugsiga Sare ku soo qaatay magaallooyinka Sheekh, Ceerigaabo iyo Hargeysa.
Markii uu Alshababa ku biiray waxa uu ka qalin jebiyey Machadka Culuunta Sharciga ee Cabdalla Casaam ee ay Hoggaanka Alshabaab asaaseen.
Waxa uu ka soo shaqeeyey Goballadda Jubbooyinka iyo kuwa kale ee ay Alshabaab haysteen,wuxuuna haatan Madax ka ahaa Maktabka Istish-haadka ee Xarakadda Alshabaab.
Madaxii Istish-haadka ee Alshabaab waxa uu shalay ka mid noqday labadii qof ee isku qarxisay Xarunta AMISOM, waxayna Warbaahinta Alshabaab sheegeen inuu Saalax Badbaado kaxeynayey mid ka mid ah gaadiidkii loo adeegsaday Is-qarxintaas.
Si kastaba ha ahaatee, Saalax Badbaado ayaa laga hayaa xusuus ku aadan Xilligii uu ka goostay Barlamaankii Dowladdii KMG, isagoo Barlkamaanka ku tilmaamay inay xubno ka yihiin dad gaallo ah.
Waxaa kaloo lagu xusuusan doonaan Isbedelka Aragtidiisa iyo Dhaqdhaqaaqyadiisa muddadii uu ka tirsanaa Alshabaab (2010-kii ilaa 2016-ka) iyo Falkii Is-qarxinta ee uu ku geeriyooday.
©Radio Dalsan