Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa Magaalada Muqdisho kulan kulan qaatay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan.
Kulanka u dhexeeyay C/raxmaan C/Shakuur iyo James Swan ayaa waxaa looga hadlay Arrimaha Doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan Sanadka 2020/2021 iyo Xaalada Guud ee dalka.
Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada hadlay Arrimo kamid ahaayeen xiriirka u dhexeeya dowladda u dhexeeya dowladda Federaalka iyo dawlad Goboleedyada, xaalada Gobolka Gedo iyo doorashooyinkii Galmudug.
Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uga magaceliyay howsha wanaagsan ee uu ka haayo gudaha dalka Soomaaliya.