Xasan Sheekh oo rajo ka muujiyay Shirka Madaxda DF iyo M/Goboleedyada

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay Arrimaha Doorashooyinka la filay inay dalka ka dhacaan, isagoona fariin u diray Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka.

Xasan Sheekh oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa waxaa uu shaki geliyay in dalka Soomaaliya ay ka dhici karto Doorasho, isla markaana waxaa uu xusay in aysan jirin cid ka jawaabi karta nooca ay noqoneyso Doorashada dalka ka dhaceysa.

Isaga oo sii hadlaayay ayaa waxaa uu caddeeyay in nooca Doorasho ee Madasha Xisbiyada rabto inay dhacdo, wuxuuna sheegay inay doonayaan inay Doorasho nooca kasta ha noqoto ay tahay mid ay heshiis ku wada yihiin Madaxda, saamileyda siyaasadeed ee dalka iyo Bulshada Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa waxa uu ka hadlay Shirka la filayo in Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada uga furmo Magaalada Dhuusamareeb, kaasi oo looga hadli doono Arrimo kala duwan.

Ugu dambeyn Xasan Sheekh ayaa waxaa uu rajo wanaagsan uu ka muujiyay waxyaabaha kasoo bixi doona Shirka Dhuusamareeb, kuwaasi oo uu tilmaamay inay wax badan ka beli doonaan Arrimaha Siyaasadda dalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media