Madaxweynaha Somaliland oo Tababar u soo xiray Ciidamo Cusub

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta tababar usoo xiray  dufcaddii 32-aad ee ka tirsan ciidamada kala duwan ee Maamulkaas oo lagu tababay dugsiga tababarka ciidanka Mandheera ee Lixle.

Munaasabadda soo xiritaanka tababarka ayaa waxaa ka qeyb galay taliyeyaasha kala duwan ee ciidamada Militeriga, Booliska, Asluubta, Badda, xubno kamid ah golaha wasiirrada, maamulka iyo macallimiinta dugsiga, waxana uu madaxweynuhu uu halkaas salaan kaga qaatay cutub kamid ah ciidamada.

Taliyayaasha ciidamada Asluubta, Sarreeyo guuto, Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax), Badda, Sareeye Guuto, Maxamed Faarax Xiirane iyo Militeriga, Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo hadallo ka jeediyey munaasibadda, ayaa hoosta uga xarriiqay in dufcadda maanta tababarka dhammaysatay yihiin aqoonyahanno dhallinyaro ah.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn bogaadiyey ciidamada cusub ee uu tababarku usoo dhammaaday, waxaana uu ka hadlay muhiimadda ay ciidamadu leeyihiin iyo shaqooyinka halbawlaha ah ee ay bulshada u hayaan.

Madaxweynuhu waxa uu la dardaarmay ciidamada maanta dhammaystay tababarka, isagoo abaal-marinno guddoonsiiyey xubnihii kaalmaha hore ka galay,

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media