Guddoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka UPD ahna Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyey maalinta caalamiga ah ee dhalinyarada.
Xasan Sheekh ayaa dhalinyarada ku baraarijiyey in ay yihiin cudud muhiim u ah dadka iyo dalka Soomaaliyeed, isla markaana looga baahan yahay in ay maanka ku hayaan sidii ay kaalin wax ku ool ah uga qaadan lahaayeen dowlad dhisidda Soomaaliya.
Madaxweynihii hor ee dalka ayaa kulamo joogto ah la yeeshay dhalinyarada bilihii lasoo dhaafay kuwaas oo uu dhalinyarada kula wadaagay waaya-aragnimadiisa ku aadan caqabadihii iyo duruufihii adkaa ee uu soo maray dalku iyo wixii laga qabtay. Waxa uu sidoo kale u hoga tusaaleeyey meesha la doonayo in la gaarsiiyo mustaqbalka Soomaaliya iyo xeelaha ay tahay in lagu gaari karo.
“Madax Madow ayaa maan ku haray sidaa darted waxaa la idinka doonayaa in aad dalkiina iyo dadkiina u horseedaan rajo iyo wado wanaagsan oo looga gudbi karo dhibaato walba oo manta jirta” ayuu ku yiri Madaxweynuhu dhalinyarada uu la kulmay.
Qaramada Midoobay ayaa sanadkii 1999-kii u asteysay maalintan in ay noqoto maalinta caalamiga ah ee dhalinyarada loona debaaldego 12-agosto sannad walba, waxaana halku ku dhigga sannadkan ee maalintan uu yahay “ka qeybgalka dhalinyarada ee waxqabadka Caalamiga ah” taas oo ujeedku yahay in la helo wadiiqooyin ay dhalinyadu uga qeybgali karaan howlaha maxaliga ah, kuwa heer gobol, heer qaran iyo kuwa caalamiga ahba.
Iyadoo laga duulayo qodobkan ayaa Xasan Sheekh waxa uu dhalinyarada ku dhiriagaliyey in ay sannadkan iyo kuwa kaleba ay muujiyaan cududeeda si ay qeyb uga noqon howlaha muhiim ka ee dalka ka socda heer deegaan iyo heer qaranba.