Madaxweynihii hore Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka hadlay dagaal khasaaro geystay oo saakay ka dhacay deegaanka Shabeelow ee hoostaga Bacaadweyne ee Gobolka Mudug, kaasi oo dhexmaray dad shacab ah iyo Al-shabaab.
Xaaf oo qoraal soo saaray ayaa waxaa uu tacsi ugu diray eheladii dadkii ku geeriyooday dagaalka, halka kuwa ku dhaawacamay halkaas uu Alle Caafimaad deg deg ah uga baryay inuu siiyo, isagoo dagaalkaas ku tilmaamay mid murugo leh.
Waxaa uu sheegay Xaaf inuu dhamaaday waqtigii ay Al-Shabaab caga jugleynta iyo handadaada dadka ku maamuli jireen oo ay xoolaha kaga qaadan jireen, waa sida uu hadalka u dhigay.
Ducaale Geelle Xaaf ayaa Madaxda Maamulka iyo Ciidanka Galmudug ugu baaqay inay u istaagan sidii ay u xoreyn lahaayeen deegaanada ay mudda dheer Al-shabaab kaga sugan yihiin Galmudug.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka ka dhacay deegaanka Shabeelow, waxaana halkaas ku geeriyooday in ka badan 10 qof oo dhawacyadii dagaalamay ah, halka dad ku dhow 20 qofna ay ku dhaawacmeen.