Iyadoo weli uu taagan yahay Khilaaf siyaasadeed oo dhexeeya Xukuumadda Madaxweyne Muuse BiIxi Cabdi iyo Xisbiga Waddani ee uu hogaamiyo Cabdiraxmaan Cirro ayaa saakay Ciidanka Booliska Somaliland waxaa ay la wareegeen Xarumo uu lahaa Xisbiga Waddani.
Wararka aan ka heleyno Magaalooyinka Berbera iyo Ceerigaabo ayaa sheegaya in xarumihii uu ku lahaa Xisbiga Waddani saakay ay la wareegeen Ciidanka Booliska Somaliland, iyagoona haatan ku sugan laba xarumood.
Sawirro lasoo qaaday lagu faafiyay baraha Bulshada ayaa muujinaya in Ciidamo badan oo wata gaadiidka nooca dagaalka ay hor-fadhiyaan Xarumaha Xisbiga Waddani ee Magaalooyinka Berbera iyo Ceerigaabo.
Shalay ayay aheyd markii Ciidanka Booliska Somaliland ay xoog kula wareegeen Xaruntii Xisbiga Cabdiraxmaan Cirro uu ku lahaa Magaalada Hargeysa, wallo markii dambe ay Ciidanka ay isaga baxeen halkaas.
Si kastaba Magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka dhacay banaanbax kooban oo dhigeen taageerayaasha Xisbiga Waddani, isla markaana ay uga soo horjeedeen Xukuumadda Madaxweyne Muuse Bixi Cabdi.