Wararka Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso deegaanka Ceel-macaan ee hoostaga Degmada Warsheekh Sheekh Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in saakay halkaas lagu dilay Nin la sheegay inuu Darawal Gaari ahaa.
Dilkaan ayaa waxaa uu ka dhacay halka laga galo deegaanka Ceel-macaan, isla markaana waxaa geystay Askari ku sugnaa goob Isbaaro ah oo gaadiidka lacagta looga qaado oo ku taalla halkaas.
Dadka deegaanka oo la hadlya Radio Dalsan ayaa u sheegay in ruuxa la dilay uu watay gaari nooca Soomaalida u taqaano Laanroobal ama One Time ah, waxaana dilkiisa uu ka dambeeyay kadib markii uu diiday inuu bixiyo lacag dhan 50, 000 oo shilin Soomaali ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ninka Darawalka ah ee la dilay Meydkiisa loo soo qaaday dhanka Magaalada Muqdisho.
Wadada u dhexeeysa Magaalada Muqdisho iyo deegaanka Ceel-macaan ee hoostaga Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa yaallo dhowr Bar Koontarool oo gaadiidka looga qaado lacago xad-dhaaf ah.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Degmada Warsheekh oo ay uga hadlayaan falka dilka ahaa ee dhacay deegaanka Ceel-macaan ee loo geystay Ninka Darawalka ahaa.