Wararka aan ka heleyno Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas xalay lagu dilay madaxii Kastamka Maaliyadda ee maamulka degmada Afgooye ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay dilkaas uu madaxii Kastamka Maaliyadda Afgooye u geystay Askari ka tirsanaa Ciidanka dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale dilka loo geystay Mas’uulka ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii Askariga iyo Ninkaas uu soo kala dhexgalay muran la xiriira Canshuuraha, hayeeshee markii dambe uu toogtay.
Marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Nuur Faarax Nuur Nuur Xawaad, waxaana dilka loo geystay uu ka dhacay Bar koontorool oo ku taalla bartamaha degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Dhinaca kale rag hubeysan ayaa xalay gudaha Degmada Afgooye ku dilay Oday la sheegay in uu ka tirsanaa Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo goobta isaga baxsaday.
Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Degmada Afgooye iyo kan Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay hadlayaan dilka madaxii Kastamka Maaliyadda degmadaas.