Dil ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo faah faahin kasoo baxeysa

Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa goordhow Saddex Askar ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay ku dileen qeyb kamid ah degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in rag hubeysan ay toogteen Ciidamo ka tirsan Nabadsugida dowladda gaar ahaan kuwa dharcadka loo yaqaano, xili ay ku sugnaayeen agagaarka Buundooyinka degmada Waaberi, iyagoo u geeriyooday rasaas lagu dhuftay.

Ragii hubeysnaa ayaa goobta ka baxsaday, isla markaana waxaa durbo goobta tegay Ciidamo ka tirsan Booliska oo qaaday Meydadka Askarta la dilay oo la tilmaamay inay ahaayeen dharcad.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Ciidanka Booliska ay howlgal ka wadaan xaafado ka tirsan degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, iyagoona ku raadinaya ragii ka dambeeyay dilkaas

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa waxaa horey uga dhacay dilal qorsheysan oo geysteen rag dhalinyaro ah oo ku hubeysan bastoolado, waxaana inta badan falalkaas sheegtay Al-shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media