Hadal ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Gobalka Ankara laguna daabacay Websaytka ayaa lagu sheegay in la helay Warar dhinaca sirdoonka oo sheegaya inay Kooxda Daacish qorsheynayso weeraro ay ka geystaan magaalladda Ankara.
Mamnuucista Kulamadda Dadweynaha iyo Dibadbaxydda ayaa la sheegay inay socon doonto ilaa dhamaadka bisha soo socoto ee November 30-da, iyadoo la waafijinayo Xukunka Degdegga ee ka jira dalkaasi.
Maleeshiyadda Daacish iyo kuwa PKK waxay dhowr jeer weeraro iyo qaraxyo ka geysteen Caasimadda dalka Turkiga ee Ankara, iyadoo in ka badan 100 qof lagu dilay fal Is-qarxin oo ay Daacish ka geysatay Saldhig laga raaco Tareenaddda oo ku yaalla magalladda Ankara.
©Radio Dalsan