Kooxda Xamaas ayaa ku dhawaaqday inay sii deyn doonto Edan Alexander, oo ah maxbuus Israa’iili-Ameerikaan ah, iyada oo tallaabadan lagu sheegay mid ka tarjumeysa dadaallo caalami ah oo lagu raadinayo xabbad-joojin iyo fududeynta gargaarka bani’aadanimo ee Qasa.
Edan Alexander, 21 sano jir ku dhashay Tel Aviv balse ku barbaaray New Jersey, ayaa u adeegayay cutub ciidan oo khaas ah marka uu dhacay weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar 2023. Waxa uu loo arkaa maxbuuskii ugu dambeeyay ee muwaadin Mareykan ah oo weli nool ku sugan Qasa.
Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ayaa BBC-da u sheegay in go’aanka sii-deynta uu qeyb ka yahay “muuqaal niyad-sami ah” oo la xiriira booqashada Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee Bariga Dhexe, taas oo dhici doonta Talaadada. Madaxweyne Trump ayaa sii-deynta ku tilmaamay “war weyn” iyo “tallaabo muujinaysa daacadnimo”.
Kooxda Falastiiniyiinta ayaa sidoo kale sheegtay in sii-deynta maxbuuska ay la xiriirto oggolaanshaha gargaarka bani’aadannimo ee muddada dheer la xanibay, iyadoo Qasa ay ku jirtay go’doon dhanka Israa’iil ah muddo 70 maalmood ah. Warbixino la helay ayaa tilmaamaya in wadaxaajoodyo hoose ay ka socdaan Qatar, halkaas oo Xamaas iyo mas’uuliyiin Mareykan ah ay kulammo toos ah ku leeyihiin.
Xukuumadda Israa’iil ayaa xaqiijisay in Mareykanku ka warqabo qorshaha Xamaas, iyadoo la sheegay in sii-deynta Alexander ay fure u noqon karto wadahadallo dheeraad ah oo lagu sii daayo maxaabiista kale ee harsan.
Dadka u ololeeya la haysteyaasha ayaa soo dhoweeyay tallaabada, iyagoo ugu baaqay Ra’iisul Wasaare Netanyahu inuu qaado tillaabo degdeg ah oo dhammaan maxaabiista lagu soo daayo, xilli uu sii kordhayo cadaadiska gudaha Israa’iil ka dhanka ah siyaasadda dagaal ee dowladda.
Dagaalka ayaa illaa hadda sababay dhimashada ku dhowaad 53,000 qof oo reer Falastiin ah, halka Xamaas ay weli gacanta ku hayso 59 maxbuus, kuwaas oo 24 ka mid ah la rumeysan yahay inay nool yihiin.
Sii-deynta Edan Alexander ayaa loo arkaa isbeddel muhiim ah oo kor u qaadi kara fursadaha lagu gaari karo xabbad-joojin rasmi ah, iyadoo la filayo in wada-hadallo cusub ay bilaabmaan saacadaha soo socda.