Xal laga gaaray Xiisad ka jirtay Magaalada Gaalkacyo

Wasiirka amniga dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi  ayaa ku guuleystay xalinta xiisad dagaal oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ka taagneyd Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, taas oo u dhexeeysay Ciidamo ka tirsan kuwa Danab iyo Ciidamo hubeysan oo u abaabulan qaab maleeshiyo beeleed ah.

Wasiir Fiqi iyo Xildhibaano ka tirsan dowladda Federaalka ayaa kulamo kala duwan la qaatay Saraakiisha Ciidanka dowladda iyo waxgaradka Maleeshiyaadka hubeysan, waxaana labada dhinac ay ka wada hadleen dhacdooyinkii ka dhacay Gaalkacyo.

Intaas kadib waxaa la isku af-gartay in hubka  Maleeshiyaadka lagu wareejiyo Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi, isla markaana xal buuxa laga gaaro dagaalkii dhawaan ka dhacay, kaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale warar la helayo ayaa sheegaya in Wasiirka amniga Galmudug uu wado qorshe lagu qarameeynayo maleeshiyaadka hubeysan si ay qeyb uga noqdaan Ciidanka dowladda ee ku sugan deegaanada Galmudug, isla markaana isku diyaarinaya dagaal ka dhan ah Al-shabaab.

Sin kastaba Ciidamo ka tirsan kuwa Danab ee Xoogga dalka iyo Ciidamo u abaabulan hab qaabil ayaa waxaa dhexmaray dagaal, wuxuuna dagaalkaas yimid, kadib markii Ciidanka Danab ay Gaalkacuyo ku xireen Nin la sheegay inuu Ganacsade.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media