Xabaal wadareedyo laga helay Caraaq
Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Ciraaq ayaa sheegay in xabaal wadareedyo ugu yaraan gaaraya 400 laga helay meel ku dhaw magaalada Hawija, taasi oo bishii lasoo dhaafay laga saaray kooxda isugu yeerta dowladda Islaamka ee IS.
Guddoomiyaha gobolka Kirkuk ayaa sheegay in xabaalaha laga helay saldhig ku yaalla waqooyiga dalkaasi Ciraaq.
Godoomiyuhu waxa uu sheegay in qaar ka mid ah dadka la laayay loo galiyay dhar isku nooc ah oo kooxda isugu yeerta dowladda Islaamka ee IS ay u xirto dadka lagu xukumo dilka, halka qaar kale oo ka mid ah meydadkana ay gashanaayeen dhar caadi ah oo shicib.
Ciidamadda Ciraaq ayaa kasoo saaray xabaal wadareedyo tobanaan gaaraya goobihiin ay mar xukumi jireen kooxda IS.