Maamulka Wasaaradda Waxbarashada Galmdug ayaa markii ugu horeysay qalab waxbarasho geysay deegaanka Toore oo Ka tirsan Degmada Hobyo ka dib markii halkaasi laga hirgaliyay dugsi waxbarasho oo ay ka faa’ideysan karaan caruur badan,
Hanad Cabdi Cali oo ka mid ah masuuliyiintii ka Socday Wasaarada Waxbarshada Galmudug ,ayaa dugsigaasi aarsiiyay Manhajikii wax lagu bari lahaa ubadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan halkaasi ,wuxuuuba xusay in Wasaaraddu Xoogga saari doonto sidii waxbarashada loo gaarsiin lahaa Deegaanadada Galmudg si ay uga faa’iideeystaan kumanaan Caruur Soomaaliyeed oo aan helin Waxbarsho.
Hirgalinta dugsiga Hoose Dhaxe oo qeyb ka ah qorshaha dardargelinta Waxbarida ubadka Soomaaliyeed ee ku nool halkaasi Waxaa ka mahadceliyay Gudoomiyaha Deegaanka Toore Maxamed Cali,isagoo Ka waramay ahmiyadda dugsigaasi u leeyahay Bulshada Deegaanka Toore