Sida ay sheegayaan wararka Warbaahinta dalsan ee magaalada Muqdisho ay ka helayso deegaano ka tirsan Ismaamulka Soomaalida ayaa sheegaya in Caruur wadadhalatay ay ku geeriyootay iyada oo warar kala duwan ay ka soo baxayaan.
3-Dex Caruur ah oo Walaalo ahaa ayaa la sheegay in ay ku geeriyoodeen Bakad Biyo laga cabo oo ku taalla deegaanka Laas-caanood ee gobolka Shilaabo ee dowlad deegaanka Soomaalida.
Dadka deegaanka ayaa u sheegay Warbaahinta in ay u malaynayaan in Caruurtu ay damceen in ay ku dabaashaan Berkadda Biayaha laga cabo isla markaana ay ka soo bixiwaayeen markii dambe.
Caruurta geeriyootay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Xongor Iraad Cabdi oo 7-sano jir ahaa Jaamac Iraad Cabdi oo 6-sano jir ahaa iyo Saadaq Dhuxul Cabdi oo 4-sano jir ahaa,iyada oo mar dambe meydkooda laga helay Berkadii oo dadkii lahaa ay usoo Biyo doonteen.