Xaalada Bahlawi oo soo hagaageysa

Xaalada caafimaad ee agaasimihi wasaarada warfaafinta   C/risaaq Cali Yusuf Bahlaawi ayaa so hagaageysa kadib markii xalay Gaarigiisa Qarax Miino lagula eegtay xaafada Taleex ee degmada Hodan.

Bahlaawi ayaa dhaawicii soo gaaray waxaa hada lagu dabiibayaa Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdsho ee caasimadda Soomaaliya.

 

Wasiirka warfaafinta iyo Qaar ka tirsan Masuuliyiinta Dowladda iyo shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta ayaa ku booqday Isbitaalka, iyaga oo ka wareystay xaaladiisa caafimaad.

C/risaaq Cali Yuusuf Bahlaawi ayaa warbaahinta u sheega xaaladiisa caafimaad in ay tahay mid wanaagsan.

 

Bahlaawi ayaa dhowaan laga qaaday xilkii Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, kadib markii lagu eedeeyay Musuq maasuq, booskiisa waxaa si ku meel gaar ah loogu dhiibay C/raxmaan Al-cadaala.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor