Wakaalladda Wararka u faafisa Kooxda Daacish ee AMAQ ayaa sheegtay in Xudayfa Al-badri oo ah Wiilka uu dhalay Hoggaamiyaha Daacish, Abubakar Al-baqdaadi lagu dilay duqeyn ka dhacay magaalladda Xomas oo ku taalla Galbeedka dalka Syria.
Wakaalladdu waxay ku eedeeysay Milliteriga Raashiya iyo Qabiilka Claawiyiinta ee uu ka soo jeedo Madaxweynaha dalkas Syria ka dambeeyeen Duqeyntaasi oo ka dhacday Saldhigga Korontada rr magaalladda Xomos.
Wakaalladda Wararka Daacish waxay Websaytkooda ku soo bandhigeen Sawirka Xudeyfi oo ilmo yar oo  qori wata, balse Wakaalladu ma sheegin xilliga la dilay iyo haddii uu Nin Dhallinyaro ahaa Xudeyfi Al-badri markii la dilayey.
Dhinaca kale, Hoggaamiyaha Daacish, Abubakar Al-baqdaadi ayaan la ogeyn halka uu ku daambeeyey, iyadoo warar hore sheegeen in la dilay ama la dhaawacay.
Farriintii ugu dambeysay ee uu Hoggaamiyaha Daacish soo duubo ayaa la baahiyey bishii September ee sannadkii hore, balse ilaa iyo hataan lama oga halka uu ku dhuumaalaysanayo.