Muwaadin Soomaali lagu maxkamadaynayey Kenya oo beeniyey inuu dil geysan lahaa

Jamaal Maxamed waxa uu shalay ka soo hor muuqday Maxkamadda Makadara Law Court ee magaalladda Nairobi, isagoo lagu soo oogay Isku-day uu ku dili lahaa Siyaasi Somali-Kenyan ah oo lagu magacaabo Xuseen Maxamed, oo uu ku feeray Xaafadda Islii ee magaalladda Nairobi bishii September 17-dii ee sanadkii hore.

Garsoore Eunice Kimaiyo oo ka tirsan Garsoorayaasha Maxkamadda  Makadara Law Court waxa uu ugu baaqay Eedeysanaha inuu ka jawaabo dacwad lagu soo oogay ee dhawaaca xun ugu geystay Dhibanaha.

Eedeysanaha waxaa lagu waayey Dembi la xiriiray inuu si sharci-darro ah ku joogay dalka Kenya, kadib, markii ay Dacwad-oogayaasha so ogudbin waayeen Caddaymo ku filan oo ku aadan arrintaasi.

Dhinaca kale, Eedeysanaha waxa uu Maxkamadda ka hor beeniyey inuu dhawaacay Siyaasiga uu feeray, wuxuuna sheegay inuusan Eedeysanaha haynin caddaymo dhinaca Raajadda (Ex-Ray) oo muujinaya heerka uu gaarsiisnaa dhaawacii ka soo gaaray Feerkii uu u geystay.

Dhibane Xuseen Maxamed  waxa uu Maxkamadda Makadara Law Court ka hor sheegay inuu Jamaal Mxaamed doonayey inuu isagu dilo, isla markaana uu Tooreey kaga dhaawacay ilaa uu dhulka ka dhaco.

Dhinaca kale, Garsoore Eunice Kimaiyo waxa uu ku dhawaaqay in Kiiska dib loo dhegeysan doono bishan July 13-da, si loo sii ambaqaado Dacwadaasi oo muddo hal bil ka badan socoty

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media