Wiilkaan oo lagu Magacabi jiray Maxamed Amiin Cali Xaaji ayaa waxa uu Sharad la galay Wiil kale oo dhalinyaro oo ay ku wada sugnaayeen degmada Balcad oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Wiilka geeriyooday ayaa waxa uu sharad ah in Wabiga dabaal uu uga gudbo waxa uu la galay wiil kale,waxaana dhex yaalay Mobile Smartphone ah oo lasiinayo qofkii gudba,balse isagu uu ka gudbi waayay sidaasina uu ku geeriyooday.
Wariyaheena ku sugan degmada Balcad ayaa sheegay in Wiilkaas u deganaa Xaafada Waaberi Irdoole oo ka mid ah Xaafadaha degmada Balcad da’diisana lagu qiyaasay ilaa 18 jir.
Dhacdadaan ayaa aad uga naxay dadka ku nool degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe,waxana haatan socda dadaalo Wabiga looga baadi goobayo Meydka Wiilka oo uu Wabiga qaaday.
Dhinaca kale Ciidamada Booliska degmada Balcad ayaa Xabsiga dhigay wiilkii kale uu Sharadka la galay wiilka Wabiga uu qaaday,iyada oo dadweyne farabadan ay tageen goobta lagu tuhmayo in Wiilka Wabiga uu ka qaaday.