Saddex Qof ayaa ku dhimatay lix Kalana waa ku dhaawacantay sida ay ii Xaqiijiyeen Saraakiisha Laanta Nabad galayaa Wadooyinka (Taraafikada) Puntland, ka dib markii uu Shil Gaari oo ka dhacay maanta Dalcada Dureera oo ka tirsan dagmada Boosaaso ee gobalka Bari.
Shikan Baabuur ee dhimashada iyo dhaawaca reebay ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen laba Gaari oo mid ahaa Iskarogo Halka kan kalana Ahaa Candhamaydle labaduna waxay ahaayeen Safar.
Shilka oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa dadkii ku waxyeeloobay waxaa loo qaaday Isbitaalka guud ee magaalada Boosaaso ee Xarunta gobalka Bari ee maamulka Puntland.
Deegaannada maamulka Puntland ayaa waxaa ku soo badanaya shilalka nuucaan oo kale, iyada ooh ore ay uga dhasheen dhimasho iyo dhaawac, maamulka magaalada ayaa soo saaray digniino ku saabsan waddo marista.