Waxaa si caadi ah u Shaqeynaya Xarumaha Wasaarado ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya,kuwaas oo warbaahinta qaarkood ay sheegeen in korontadii laga jartay.
Qaar ka mid ah Xarumahaas ayaa waxaa booqday Dalsan Tv,waxana halkaasi lagu soo arkay Shaqaalaha iyo masโuuliyiinta Wasaaradda oo Shaqadooda wata.
Agaasimaha Guud ee Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Baeeraha Axmed Cilmi Waasuge ayaa sheegay in Shaqada Wasaarada ay sicaadi ah u socdaan,isla markaana Wararka ay idaacadaha qaar iyo Baraha Bulshada lagu baahiyay aan waxba ka jirin.
Waxa uu sheegay in ay isticmaalaan mid ka mid ah Shirkadaha Korintada bixiya,isla markaana lacagaha ku baxa ay sitoos ah u bixiso Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya,taasina ay ku timid heshiis dhexmaray.
Intaasi kadib Wariyeyaasha ka socday Dalsan Tv ayaa waxa ay tageen Xarunta Wasaaradda Ganascsiga ee Muqdisho,waxana Wariyeyaasha ay indhahooda ku soo arkeen Mator ay Wasaaraddu isticmaasho kaas oo korontada ay ka hesho.
Hoos Ka Daawo warbixinta Warkan iyo Wariye Saleemaan Xaaji Axmed Raage.