Gudoomiye Ku xigeenka dhanka ammaanka iyo Siyaasadda Maamulka GobolkaBanaadir Maxamed C/laahi Tuulax oo maanta la hadlay Warbaahinta ayaa ka mahadceliyay kaalinta shacabka Waaberi ay kaga qayb qaateen soo qabashada eedeysane kuna wareejiyeen Ciidamada ammaanka, kaasi oo la sii marsiin doono baaritaano dheeri ah.
Gudoomiye Tuulax ayaa sidoo kale ka tacsiyadeeyay dilka loo gaystay C/xakiin Shiiqey oo ahaa Xoghaye Waaxeed ka tirsanaa Maamulka Gobolka Degmada Waaberi.
“Shalay waxaa degmada waaberi lagu dilay Allaha unaxariistee Marxuum Maxamed C/xakiin shiiqeey oo ahaa xoghaye waaxeed degmada waaberi labadii qof ee dilka gaystay qof kamid ah waxaa gacanta ku dhigay oo qabtay shacabka degmada waaberi iyagoo kadib ku soo wareejiyay laamaha amniga waxaana lagu sameen doonaa baaritaan si loo mariyo sharciga sidoo kale waxaa hawlgal ay tilmaantooda lahaayeen shacabka degmada waaberi laga sameeyay guri ku yaalla degmada kaas oo lagu soo qabtay laba qof oo hubaysan oo qof kamid ah uu qirsan yahay inuu shabaab yahay.” Ayuu yiri Gudoomiye Tuulax.
Shalay markii uu dilka ka dhacay degmada Waaberi ee Gobolkan Banaadir uu dilka ka dhacay ayaa waxaa dad Shacab ahaa oo ku sugnaa goobta waxa ay gacnata ku dhigeen mid ka mid ah raggii dilka geystay,kaa soo la geeyay Saldhiga degmada Waaberi ee Gobolkan Banaadir.