Somaliland oo lagu xiray Weriye C/maalik Muuse Col-doon oo la kulmay Madaxweyne Farmaajo.

Wararka naga soo gaaraya magaalladda Hargeysa ayaa waxay sheegayaan inay Sirdoonka Somaliland xabsiga dhigeen Weriye C/maaluk Muuse Col-doon oo ka mid ah Suxufiyiinta ugu shacbiyadda badan Suxufiyiinta Reer Somaliland.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Radio Dalsan u sheegay in Saxafiga la xiray isla markii uu ka soo degay Diyaarad ka timid magaalladda Muqdisho.

Weriyaha ayaa loo gudbiyey Xabsiga, waxaana lagu soo oogay inuu kulan la qaatay Madaxweynaha cusub ee JFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Weriye C/maalik Nuuse Col-doon waxa uu  dhowrkii bilood ee la soo dhaafay booqasho hawleed ku joogay magaalladda Muqdisho, wuxuuna Wareysiyo kala duwan la yeeshay qaar ka mid ah Murashixiinta Madaxweynaha iyo Siyaasiyiin kale.

Isbuucii hore, mar uu la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da waxa uu  sheegay inuusan weligiisa arkin Dibadbax la mid ah Bannaanbixii lagu taageerayey Madaxweyne Farmaajo ee ka dhacay Fagaaraha Taalladda Daljirka Dahsoon ee magaalladda Muqdisho.

 

Si kastaba ha ahaatee, ma aha markii ugu horreysay ee ay Maamulka Somaliland xabsiga dhigaan Weriye C/maalik Muuse Col-doon oo inta badan Warbixinadiisa lagu bahiyo YouTube-ka iyo qaar ka mid ah Telefishinadda ku hadla Afka Soomaaliga.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media