Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Goordhow Ansixiyay xeer muhiim ah

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa weli Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho uga socda mid kamid ah kulamadoodii caadiga ahaa.

Ajedaha kulankaas socda ee Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay ansixinta xeerka asteynta kuraasta Xildhibaanada Baarlamaanka, iyagoona dood dheer kadib Goordhow ansixiyay xeerkaas.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Cod aqlabiyad leh ku ansixiyay xeerka degaameynta kuraasta Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

144 Xildhibaan ayaa ogolaatay in la ansixiyo xeerka degaameynta kuraasta Baarlamaanka, waxaa ka aamustay 4 Mudane, isla markaana waxaa diiday 2 Xildhibaan oo kaliya.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku dhawaaqay Natiijada Codeynta xeerka, wuxuuna ugu dambeyn shaaciyay inuu xeerka, sidaas ansax uu ku yahay.

Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka ayaa xalay kulan gaar ah ka yeeshay go’aanka laga gaarayo murano ka taagnaa Asteynta kuraasta Xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana Xildhibaanada kuraasta ay ku fadhiyaan loo madax banaaneeyay in halka ay rabaan geysan karaan, hayeeshee shuruud looga dhigay in uusan bixin Xildhibaanka Maamul Goboleedkii marka hore laga soo doortay.

Comments
Loading...