Nin  hubeysan ayaa xalay weerar loo adeegsaday Tooreey ku qaaday Nin la dhashay Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar Cagjar, kaasi oo uu soo gaaray dhaawac Culus.
Wararka aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in weerarka lagu qaaday Cabdiraxman Muxumed Cumar oo ay walaalo yihiin Madaxweynaha deegaanka uu ka dhacay Magaalada Dhagaxbuur ee dowlad deegaanka.
Dhaawaca Cabdiraxmaan Muxumed ayaa waxaa la geeyay Xarun Caafimaad oo ku taalla gudaha Magaalada Dhagaxbuur, taasi oo la tilmaamay inuu isaga maamule uu ka yahay.
Sidoo kale Ninka ku hubeysnaa Tooreyda ee weerarka ku qaaday Cabdiraxmaan Muxumed Cumar ayaa isku dayay inuu falka kadib goobta ka baxsado, hayeeshee Ciidanka amniga ayaa gacanta ku dhigay, isagoona la xiray.