Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Rag hubeysan oo weerar ku qaaday fariismo Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ay ku leeyihiin Xaafad ka tirsan Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in xalay fiidkii hore ay maqleen dhawaqa rasaas xoogan oo la isku dhaafsaday fariisimo Ciidanka Booliska ay ku leeyihiin xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Hiliwaa, wallow markii damb ay si iskeed ah rasaasta u joogsatay.
Intaas kadib ragii hubeysnaa ee weerarka soo qaaday ayaa la tilmaamay inay goobta ka baxsadeen, isla markaana waxaa la sheegay in weerarkaas uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
War qoraal ah oo lagu daabacay baraha Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen in xalay weerar ka dhacay xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Hiliwaa ay ku dileen Hal Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska, halka laba kalena ku dhaawaceen.
Dhinaca kale majiro weli wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka oo ay uga hadlayaan weerarkii ka dhacay Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir gaar ahaan xaafadda Suuqa Xoolaha.