Madaxweynaha Puntland oo bixiyay lacag balan-qaad ah uu sameeyay

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta si rasmi ah u fuliyay balan qaad horaanta Bishii luuliyo ee lasoo dhaafay uu u sameeyay dhalinyarada Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweyne Deni ayaa dhalinyarada xili uu kulan la qaatay u sheegay inuu bixinayo Lacag badan oo lagu dhameystirayo Garoonka kubadda cagta ee Cawaale Stadium, isagoo Maanta baxshay kala bar kamid ah dhaqaalihii uu horay ugu balan-qaaday.

Lacagta guud ee horey u balan qaday Madaxweye Saciid Deni inuu ku bixinayo dhameystirka garoonka Cawale ayaa dhameyd $186,238.89, waxaana loo kala qaday labo qeybood, iyadoo Maanta la bixiyey 95-kun oo dollar oo kamid ah lacagtan.

Lacagta uu Madaxweyne Saciid Deni ku bixinayo dhameystirka Garoonka kubadda cagta ee Cawaale Stadium ee Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka ayaa waxaa la sheegay inay kamid aheyd Miisaaniyadda Maamulka Puntland ee 2020.

Guddiga Dhismaha Garoonka Cawaale Stadium ayaa maanta Maamulka Puntland kala wareegay wejiga koowaad ee lacagtaaas, iyagoo aad ugu mahadceliyay Madaxweynaha Puntland Saciid deni.

Dhinaca kale Dhallinyarada ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Deni sida Maamulka  iyo hoggaaminta dalka uu door muhim ah uga siiyey, sidoo kale waxay dhallinyaradu soo dhoweeyeen hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media