Wararka aan ka heleyno duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas xalay uu ka dhacay weerar geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Kooxo hubeysan ayaa weerarka ku qaaday dad beeraley ah ku sugnaa duleedka Degmada Afgooye, waxaana la sheegay Kooxdaas ay doonayeen inay dhac u geystaan dadkii halkaas ku sugnaa.
Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa u sheegeen in weerarka uu ku dhintay Cumar Nuur oo kamid ahaa dadka beeraha ku leh duleedka Afgooye, halka kuwo kalena dhaawacyo kala duwan ay soo gaareen.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Kooxda hubeysan ay dadka dhaawacyada soo gaaray qaarkood ay ka qaateen Mobiladii iyo waxyaabihii kale oo ay heysteen, iyagoona intaas kadib goobta ka baxsaday.
Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Degmada Afgooye ayaa goor dambe gaaray goobta uu falka ka dhacay, waxaana halkaas ay ka sameeyeen howlgalo kala duwan oo ay ku raadinayan dadkii ka dambeeyay weerarka.
Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Degmada Afgooye oo ay uga hadlayaan weerarkii xalay ka dhacay duleedka Degmadaas, isla markaana lagu qaaday dad beeraley ah oo ku sugnaa halkaas.