Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in Caawa fiidkii uu weerar ka dhacay duleedka Magaaladaas.
Rag hubeysan ayaa la sheegay in ay weerareen Saldhig Ciidamo ka tirsan Puntland ku leeyihiin deegaanka Sugurre ee duleedka Boosaaso halkaas oo ay fariisin ku leyihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland.
Weerarka ayaa goobjoogayaal waxa ay sheegeen in uu markii hore ku bilaawday madaafiic basle markii dambe uu isku bedelay mid toos ah iyada oo aan la garaneyn ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay weerarkaas.
Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaas,iyaga oo sheegay in ay ku qaadeen deegaankaas fariisinka ay Ciidamada Puntland ku leeyihiin weerar isugu jiray madaafiic iyo dagaal toos ah.
Weli Saraakiisha Ciidamada Dowlad goboleedka Puntland kama hadlin dagaalkaas ka dhacay duleedka Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.