• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Thursday, July 10, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Waxqabad Wadajir ah: Dowladda Federaalka Soomaaliya, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo deeqbixiyeyaasha caalamka ayaa daahfurey Barnaamijyo cusub oo si wadajir ah uga qeyb qaadanayaan dhamaan xubnahaas iyadoo loo marayo Hanaanka Horumarinta iyo Dib u dhiska Soomaaliya

Dalsan Editor by Dalsan Editor
June 17, 2015
in Warar
Reading Time: 4 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Dowladda Federaalka Soomaaliya, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo deeqbixiyeyaasha ayaa  soo dhoweeyay saxiixa lixda  Barnaamij ee wadajirka ah iyada oo loo marayo Hanaanka Horumarinta  iyo Dibudhiska Soomaaliya (SDRF) kaas oo qeyb ka ah Heshiiska Hiigsiga Cusub (New Deal Compact).

 
Barnaamijyadan wadajirka waxay si toos ah u taageerayaan Ujeeddooyinka Nabadaynta iyo Dhismaha Qaranka ee Hiigsiga Cusub, iyo si loo gaaro yididiilooyinka waaweyn ee Barnaamijka Hiigsiga 2016 ee Dowladda, iyadoo si gaar ah diiradda loogu saarayo in la gaaro natiijooyinka hanaanka dhisidda maamul goboleedyada, dib u eegidda dastuurka, teegeeridda dooroshooyinka, ku dhaqanka sharciga, shaqa abuurka dhalinta iyo hurumarinta tayada hay’adaha. Barnaamijyadani waxay si gaar ah u dhisi doonaan kartida shaqaalaha rayidka ah ee heer Federaal iyo heer maamul-goboleedba, waxay taagi doonaan bixinta adeeg cadaaaladeed oo waxtar leh, waxayna shaqo u abuuri doonaan kumanaan dhalinyaro Soomaaliyeed ah. Waxay sidoo kale taageeri doonaan hawlaha waaweyn ee ka midka ah waxqabadka Barnaamijka Hiigsiga Dowladda 2016, oo ay ka mid yihiin dhismaha dowlad goboleedyo cusub oo xubno ka ah federaalka ee laga dhiso Koonfurta iyo Gobollada Dhexe ee Soomaaliya, dib u eegid lagu sameeyo dastuurka, iyo tayo-dhiska dalka si uu u gaaro hanaan siyaasadeed oo doorasho dimuqraadi ah.
 
Daahfurka barnaamijyadan oo ka mid ah Hanaanka Horumarinta iyo Dibudhiska Soomaaliya (SDRF) wuxuu muujinayaa sida adag ee ay beesha caalamka iyo Dowladda Soomaaliya uga go’antahay inay iyagoo midaysan ooh al ah ka wada shaqeeyaan si loo horumariyo nolosha haweenka, ragga iyo carruurta Soomaaliyeed. “Kani waa heshiis muhim ah oo xoojin doonaa hay’adaha dowladda, sidoo kalena wuxuu guul aad u weyn u yahay iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah”, ayuu yiri Mudane Cabdiraxmaan Cali Caynte, Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
 
Midowga Yurub, Waaxda Deeqda ee Dowladda Ingiriiska (DFID), Sweden, Norway, Denmark, iyo Talyaaniga ayaa ballanqaaday in ka badan 106 milyan oo doolarka Mareynakanka ah muddo saddex sanno ah si loogu taageero barnaamijyadan horumarineed ee mudnaanta leh. “Saxiixa Barnaamijyada cusub ee wadajirka ah waa tallaabo weyn oo loo qaaday hirgelinta Heshiiska Hiigsiga Cusub. Wuxuu noo saamaxayaa inaan si weyn u xoojino Dowladda Federaalka iyo inaan taageerno hawlaha dowladda xudunta u ah”, ayuu yiri Daria Fané, Madaxa Iskaashiga ee Ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya.
 
Lixda Barnaamij ee Wadajirka ah waxaa hoggaamineysa Dowladda Soomaaliya waxaana fulinaya hay’adaha Qaramada Midoobay ay ka midka yihiin FAO, ILO, UNDP, UN-Habitat, UNICEF, UNODC, UNOPS, UNSOM iyo UN Women. Barnaamijyada waxaa ka faa’iideysan doona dhammaan goobaha/gobollada dalka, oo ay ku jiraan Puntland iyo Dowlad-Goboleedyada dhowaan dhismay ee xubnaha ka ah Federaalka. “Saxiixa barnaamijyadan cusub waxay ka tarjumaysaa sida ay nooga go’antahey inaan sii tageerno  hawlaha mudnaanta leh ee ay Soomaalidu hoggaanka u tahay, Soomaaliduna leedahay,” ayuu yiri Philippe Lazzarini, Ku Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya (DSRSG). “Hadda waa inaan si wadajir ah diiradda u saarnaa si loo dardargaliyo in natiijooyin la taaban karo la gaarsiiyo dadka Soomaaliyeed, iyo in barnaamijyada waxqabad loo bedelo, gaar ahaan heerka ka hooseeya federaalka.”
 
Waa xuddunta taageerada ay Qaramada Midoobay siiso qorshe kala guur ah oo ay Soomaali hogaamiso,  Soomaalina  leedahay oo lagu gaaro nabad iyo barwaaqo.

 

Previous Post

Delivering as One: Federal Government of Somalia, UN, EU and Donor Partners Launch New Joint Programmes through the Somalia Development and Reconstruction Facility

Next Post

Boliska Kenya oo lacag dul-dhigtay nin u dhashay dalka Jarmalka oo ay sheegen inuu ka tirsan yahay Alshabaab

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda
Warar

Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda

July 9, 2025
Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan
Warar

Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan

July 9, 2025
Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya
Warar

Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya

July 9, 2025
Qarax Ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho
Warar

Qarax Ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho

July 9, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo La Kulmay Haweenka Soomaaliyeed
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo La Kulmay Haweenka Soomaaliyeed

July 9, 2025
SOMWA & FESOJ oo Qabtay Aqoon-is-weydaarsi :Xorriyadda Saxaafadda & Badbaadada Suxufiyiinta
Warar

SOMWA & FESOJ oo Qabtay Aqoon-is-weydaarsi :Xorriyadda Saxaafadda & Badbaadada Suxufiyiinta

July 9, 2025
Next Post

Boliska Kenya oo lacag dul-dhigtay nin u dhashay dalka Jarmalka oo ay sheegen inuu ka tirsan yahay Alshabaab

Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda

Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda

by Ilhaan
July 9, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay Shir-Cilmiyeedka 3-aad ee Madasha Horumarinta Bariga Afrika, isagoo...

Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan

Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan

by Ilhaan
July 9, 2025
0

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan  Muuse Salaad Wehliye ayaa madax ka socotay dowlad deegaanka Soomaalida kala wareegay Saanad ciidan oo loogu tala...

Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya

by Ilhaan
July 9, 2025
0

Madaxweynaha dalka Comoros Mudane Azali Assoumani, ayaa warqadaha Aqoonsiga ah ka gudoomey Safiirka JFS ufadhiya Tanzania iyo EAC, oo sidoo...

President of Comoros Receives Credentials from Somali Ambassador to Tanzania and EAC

President of Comoros Receives Credentials from Somali Ambassador to Tanzania and EAC

by Liban
July 9, 2025
0

The President of the Union of the Comoros, H.E. Azali Assoumani, has officially received the credentials of the Ambassador of...

Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda
Warar

Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda

July 9, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan
Warar

Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan

July 9, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya
Warar

Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya

July 9, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
President of Comoros Receives Credentials from Somali Ambassador to Tanzania and EAC
English News

President of Comoros Receives Credentials from Somali Ambassador to Tanzania and EAC

July 9, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
SOMWA, FESOJ Hold Workshop on Press Freedom and Journalist Protection in Somalia
English News

SOMWA, FESOJ Hold Workshop on Press Freedom and Journalist Protection in Somalia

July 9, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Qarax Ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho
Warar

Qarax Ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho

July 9, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda
  • Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan
  • Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya
  • President of Comoros Receives Credentials from Somali Ambassador to Tanzania and EAC

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00