• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Thursday, July 17, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Wasiirrada A.dibadda Soomaaliya, Masar iyo Eritrea oo ka wada hadlay Qodobbo Xasaasi ah

Dalsan Editor by Dalsan Editor
September 24, 2024
in Warar
Reading Time: 3 mins read
A A
Wasiirrada A.dibadda Soomaaliya, Masar iyo Eritrea oo ka wada hadlay Qodobbo Xasaasi ah
1.3k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa magaalada New York kulan gaar ah kula yeeshay wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Masar iyo Eritrea, Badr Abdelatty iyo Osman Saleh. Kulankani ayaa ka dhacay xilli saddexdan dal ay uga qaybgelayaan shirka 79-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, kaas oo lagu falanqeynayo xaaladaha caalamiga ah iyo iskaashiga heer gobol iyo caalami ah.

Saddexda wasiir ayaa kulankooda diiradda ku saaray qorshayaasha muhiimka ah ee iskaashi iyo isku duwid heer sare ah, iyaga oo xoogga saaray rabitaanka siyaasadeed ee ay wadaagaan Soomaaliya, Masar iyo Eritrea.

Waxaa si gaar ah loo lafaguray sidii loo xoojin lahaa danaha istiraatijiyadeed ee saddexda dal, iyadoo la raadinayo waddooyin cusub oo lagu horumarin karo iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo siyaasadda. Xaaladda gobolka Geeska Afrika, oo hadda cirka isku sii shareereysa, ayaa kulankan kusoo aaday, iyada oo xiisado iyo khilaafyo badan oo goboleed ay saameyn ku yeelanayaan xiriirka u dhexeeya dalalkaasi.

Masar oo ah dal saameyn weyn ku leh gobolka, ayaa si cad u muujisay taageeradeeda dhinacyada kala duwan ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda, taasoo qeyb ka ah xiriirka soo jireenka ah ee labada dal. Taageeradaas waxaa ka mid ah hub badan oo dhowaan ay Masar ugu deeqday Soomaaliya, arrintaas oo Itoobiya si weyn uga walaacisay, maadaama labada dal ay isku hayaan arrimo biyo-xireenka wabiga Niilka iyo arrimo kale oo istiraatiji ah.

Sidoo kale, xaaladda xiriirka u dhexeeya Eritrea iyo Itoobiya ayaa weli xasaasi ah,Eritrea, oo xiriir dhow la leh Soomaaliya, waxay dadaal ku bixineysaa sidii loo heli lahaa jawi xasilloon oo gobolka ah, inkasta oo Itoobiya ay cadaadis siyaasadeed iyo mid amni ku waddo.

Kulankan ayaa ka tarjumaya dadaalka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya ay ugu jirto inay xoojiso iskaashiga iyo xiriirka kala duwan ee ay la leedahay dalalka gobolka iyo dunida inteeda kale, iyadoo loo marayo hay’adaha iyo fagaareyaasha caalamiga ah ee sida Qaramada Midoobay.

Previous Post

RW Xamse oo kulamo gaar gaar ah ka wada Dalka Mareykanka

Next Post

Hogaamiyaasha Caalamka oo maanta khudbado ka jeedinaya Shirka Golaha Guud ee QM

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish
Warar

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

July 16, 2025
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar
Warar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

July 16, 2025
Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya
Warar

Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

July 16, 2025
Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir
Warar

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir

July 15, 2025
Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay
Warar

Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay

July 15, 2025
“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”
Warar

Booliiska Soomaaliya oo Soo Bandhigay Hub ay Ka Fashiliyeen Weerar Ay Maleeshiyaad Ku Qaadeen Guri Xukun Maxkamadeed Leh

July 15, 2025
Next Post
Hogaamiyaasha Caalamka oo maanta khudbado ka jeedinaya Shirka Golaha Guud ee QM

Hogaamiyaasha Caalamka oo maanta khudbado ka jeedinaya Shirka Golaha Guud ee QM

Somali Delegation Joins High-Level Housing Summit in Algeria

Somali Delegation Joins High-Level Housing Summit in Algeria

by Liban
July 17, 2025
0

Algiers, Algeria  – A high-level delegation from the Federal Government of Somalia, led by the State Minister for Public Works,...

Bilan Media Offers $1,000 Reporting Grant for Somali Women Journalists

Bilan Media Offers $1,000 Reporting Grant for Somali Women Journalists

by Liban
July 17, 2025
0

Mogadishu — Bilan Media, Somalia’s first and only all-women newsroom, is offering Somali women journalists the chance to win $1,000 for...

Somalia’s Finance Minister Honored with Prestigious Award for Excellence in Africa

Somalia’s Finance Minister Honored with Prestigious Award for Excellence in Africa

by Liban
July 17, 2025
0

MOGADISHU – In a grand ceremony held last night in Mogadishu, the Somali Bankers Association honored the Federal Government of Somalia’s...

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

by Ilhaan
July 16, 2025
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Ammaanka Qaranka Itoobiya (NISS) ayaa ku dhawaaqday inay xireen 82 qof oo lagu eedeeyay inay ka tirsan...

Somali Delegation Joins High-Level Housing Summit in Algeria
English News

Somali Delegation Joins High-Level Housing Summit in Algeria

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Bilan Media Offers $1,000 Reporting Grant for Somali Women Journalists
English News

Bilan Media Offers $1,000 Reporting Grant for Somali Women Journalists

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia’s Finance Minister Honored with Prestigious Award for Excellence in Africa
English News

Somalia’s Finance Minister Honored with Prestigious Award for Excellence in Africa

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish
Warar

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland
English News

Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar
Warar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Somali Delegation Joins High-Level Housing Summit in Algeria
  • Bilan Media Offers $1,000 Reporting Grant for Somali Women Journalists
  • Somalia’s Finance Minister Honored with Prestigious Award for Excellence in Africa
  • Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00