Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka gaashaandhigga Dowladda Soomaaliya C/Rashiid Cabdullahi Maxamed ayaa gaaray Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.
Wafdiga ayaa ujeedkedu yahay sidii ay ul kulmi lahaayeen Muqtaar rooboow Abuu Mansuur oo saakay halkaasi la geeyay si ay u wada hadlaan.
Muqtaar Roobow ayaa Maalamahaan isaga iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Shabaab waxa ay ku dagaalamayeen deeganka Abal,ee gobolka Bakool walow la sheegay in dagaalkaas,ay ku jabeen Al-Shabaab.
Wararkii u dambeeyay ee haatan nasoo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in sidoo kale uu halkaasi ku wajahan yahay Shariif Xasan sheekh Aadan Madaxweynaha Koonfur Galbeed si uu wadahadalka uga qeybgalo.
Wararkale ay helyso Dalsan ayaa waxa ay sheegayan in ay macquul tahay in Muqtaar Rooboow uu dib ugu laabto deegaanka Abal,halkaas oo ay ku wada dagaalameen ciidamo uu watay iyo kuwa Al-Shabaab.