Saraakiil ka tirsan Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in duqeyn ka dhacday gobolka Baay lagu dilay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.
Cabdullaahi Sheekh Maxamed oo ka mid ah Saraakiisha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Gawaari ay wateen Al-Shabaab la duqeeyay,islamarkaana khasaaro la gaarsiiyay.
Waxa uu sheegay in Gawaaridii ay saarnaayeen Saraakiisha Shabaab ka tirsan xili ay marayeen meel u dhow degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay la duqeeyay, ilaa iyo hadana ay gubanayaan balse ma uusan sheegin magacyada Saraakiisha Al-Shabaab ee duqeyntaas lagu dilay.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Taliyaha
https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2017/08/Cod-Sarkaal.mp3