Wasiirka Dastuurka Soomaaliya oo Maanta shir ka furaya Magaalada Baydhabo

Saacadaha soo socda ee Maanta ayaa la filayaa in Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay uu ka furmo Shirka Afaraad ee Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka oo ay martigelisay Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Shalay Duhurkii ayaa waxaa Baydhabo gaaray wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ay qeyb ka yihiin Wasiirada Dastuurka Dowlad Goboleedyada,waxana uu Maanta furi doonaa Shirka Afaraad ee Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka.

Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa Dalsan u sheegay xili uu wareysi siinayay in shirka uu Maanta furmi doono isla markaana uu socon doono mudo laba Maalin ah.

Shirka Afaraad ee Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ayaa horay waxaa loogu soo qabtay Xarumaha Dowlad goboleedyada intooda badan,waxana sidoo kale lagu qaban doonaa Xarumaha kale si looga qeyb qaato dhameystirka Dastuurka qabyada ah ee dalka.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media