Faah faahin kasoo baxeysa Shil khasaaro dhaliyey oo saaka ka dhacay Somaliland

Shil sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa saaka oo sabti ah waxa uu ka dhacay duleedka barri ee magaalada Gabiley ee Maamulka Somaliland, kadib markii gaari yar oo Bas nooca rakaabka qaada uu rogmaday.

Gaariga oo ku socday xawaare ayaa lasoo weriyey inuu mar qura wadada laamiga ah uu ka baxay, isla markaana uu rogmaday, xilli ay saarnaayeen dad farabadan oo shacab ahaa, kuna sii jeeday magaalada Gabiley.

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay shilka gaari, halka 7 qof kalena ku dhaawacmeen, kuwaasi oo dhammaantood kamid ahaa dadkii saarnaa gaariga Bas-ka ahaa ee rogmaday, sida ay ku warrameen qaar kamid ah dadkii gurmadka u sameeyay dadkaasi.

Dhaawacyada ayaa waxaa durbadii looga cararay Isbitaal, si xaaladdooda caafimaad loogu dabiibo, Dhowr jeer ayaa sidaan oo kale ayaa waxaa deegaano ka tirsan Somaliland uga dhacay shilal kala duwan oo khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah dhaliyey.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor