Wararka aan ka heleyno deegaano hoostaga Degmada Balcad ee Gobolka Shabeella Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saacadihii lasoo dhaafay uu ku tafahay Webiga Shabelle.
Deegaanada uu sida gaarka ugu fatahay Webiga ayaa waxaa kamid ah Mareerey, farbarako, damalley, kordheere iyo yaaqlow, kuwaasi oo hoostaga Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in ay Biyaha kala tageen dhammaan dalagyadii ay beeranayeen, iyagoo maamulka iyo hay’adaha samafalkuba ka codsaday in ay lasoo gaaraan gar-gaar bani’aadannimo.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in Webiga Shabeelle laga cabsi qabo inuu kusii fataho deegaano kale, waxaana kamid ah Buulo-abtiyow iyo kurshaale, iyadoo dadka halkaas kunool ay soo sheegayaa inay cabsi xoogan ka qabaan fatahaada webiga.
Dhawaan ayay ahayd markii Madaxweynaha Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare uu Magaalada Baladweyne ka daah-furay mashruuca ka hortagga fatahaadda Webiga Shabeelle.