Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Xukuumadda xilgaarsiinta Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa ka hadlay doorashadii Maanta ay isku doorteen Guddiga doorashada Somaliland garabka Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed.
Wasiir Mukhtaar Xuseen oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Maanta ay noqotay Maalintii ugu dambeysay ee la doorto Guddiga doorashooyinka Qaranka , isagoona u mahadceliyay cid kasta dadaal u gashay doorashadii Maanta dhacday.
Waxaa uu sheeya Wasiirka in mas’uuliyad culus ay saaran tahay Guddoomiyaha Guddiga doorashada Somaliland iyo ku-xigeenkiisa garabka Mahdi Guuleed, isla markaana looga baahan yahay inay si cadaalad u qabtaan doorashooyinka, ayna la shaqeeyan xubnaha Guddiga.
Isaga oo sii hadlaayay Wasiirka Arrimaha gudaha Mukhtaar Xuseen Afrax ayuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay laamaha amniga dowladda kala shaqeeyaan sugida amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka, si looga hortego wax kasta oo carqaladeyn kara doorashada.
Ugu dambeyn Wasiirka ayaa u hambalyeeyay Guddoonka Guddiga kuraasta Somaliland ee garabka Mahdi Guuleed, isagoona rajeeyay Wasiirka inay soo dhammaatay doodii mudada dheer taagneyd.
Guddiga doorashada Somaliland ee Garabka Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Guddoomiye u doortay inuu noqdo Khadar Xariir Xuseen, halka Guddoomiye ku-xigeen loo doortay Najiib Xuseen Samaale.