Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta oo Talaado ah ku soo dhoweeyay Muqdisho Xoghayaha fulinta ee cusub ee Urur goboleedka IGAD, Mudane Dr. Workneh Gebeyehu, oo socdaallo ku kala tagay wadamada gobolka tan iyo markii loo magacaabay xilkani 22 Oktoobar, 2019.
Soomaaliya, oo ah Dowlad xubin ah, waxna ka aas’aastay IGAD, ayaa waxa ay dooneysaa inay xoojiso xiriirkeeda iyo iskaashiga ay la leedahay wadamada Bariga Afrika si loo gaaro kobac dhaqaale iyo is-dhexgal gobolka ah.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa qado sharaf ugu sameeyay hotel ku yaalla Muqdisho wafdiga IGAD ee uu hoggaaminayo Xoghayaha fulinta, waxaana kala soo qeybgalay lataliyeyaal sare oo ka kala tirsan Xafiisyada Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo saraakiil kale oo ka tirsan xafiisyadaasi.