Wasiirka Amniga dawlad Goboleedka Jubbaland Jeneraal Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) ayaa kormeer uu ugu kuur galayay xaaladda howlgalada Ciidamada ku tegay deegaannada Buula-guduud iyo Baar Saanguuni halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa Xoogga dalka.
Wasiir Yuusuf Xuseen Cismaan ayaa kulamo kala duwan oo ku aadan howlgalada socda la yeeshay Saraakiisha iyo ciidammada ku sugan furimaha hore ee dagaalka ee Buula-guduud iyo Baar-saanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose.
Wasiir Jeneraal Dhuumaal ayaa uga mahadceliyay Ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka howlgalada ka dhan ah Al-shabaab oo ay ka wadaan deegaano ka tirsan maamulka Jubbaland oo ay ku sugan yihiin Shabaabka.
Jeneraal Yuusuf Xuseen Cismaan Wasiirka amniga Jubbaland ayaa Ciidamada u balan qaaday in socdaalkiisan uusan ahayn mid mar kaliya ku kooban, balse uu si joogto ah ula socon doono xaaladaha ciidamada qaybohooda kala duwan.
Si kastaba Ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa Dowladda Federaalka ayaa deegaano ka tirsan Gobolada Maamulkaas ka wada howlgalo ka dhan ah Al-shabaab, waxaana xiliyada qaarkood dhaca dagaalo geysta khasaaro oo dhinacyada dhexmara.